Natiijada ciyaarihii xalay dhacay euro 2012 england vs france iyo ukraine vs sweden. | www.somalifootball.com

Waxaa Xalay lasoo gaba gabeeyay is araga hore ciyaaraha Euro 2012. Waxaa xalay la ciyaaray Group D oo ah group ka ugu dambeeya waxaana wada ciyaaray xulalka kala ah France iyo England oo ah xulalka ugu adag group ka D.

Ciyaarta ayaa waxa ay kubilaabatay dardar culus, waxaa kubad aan lafilayn lasoo baxay ciyaaryahanada u ciyaara xulka England kadib markii ay sameeyeen kubado cajiib ah. Waxaa xalay si gaar ah uga dhexmuuqday labada xul ciyaaryahaanada kala ah Gerrard, Welbeck, Ashley young iyo Lescott, oo dhamaantood u ciyaara Xulka England, halka Xulka France ay kadhexmuuqdeen Samir Nasri, Franck Ribery, benzema, iyo Evra.

Ciyaarta oo u socotay si xamaasad leh ayaa waxaa usuura gashay xulka England in ay helaan gool waxaana u dhaliyay daqiiqadu markay ahayd 30 ciyaaryahaanka daafaca uga ciyaara laguna magacaabo J. Lescott kadib markii uu ka helay kubad karoos ah isla markaana uu madaxa lahelay.

Xulka France oo ah xul aan ladhayalsan Karin ayaa waxa ay isku dayeen sidii ay u barbarayn lahaayeen, waxa ay dhowr mar isku dayeen sidii ay gool u heli lahaayeen, nasiib wanaag daqiiqadu markay ahayd 39 waxaa gool udhaliyay ciyaaryahaanka da’da yar laguna magacaabo Samir Nasri.

Hadaba ciyaartii xalay oo ahayd ciyaar aad xamaasad u leh ayaa waxa ay kusoo dhamaatay barbaro 1-1. Labada xul waxa ay isku dayeen sidii ay goolal u heli lahaayeen balse uma suura gelin.

Waxaa sidoo kale xalay wada ciyaaray labada xul ee kala ah Ukraine oo ah mid kamid ah labada dal ee marti gelinaya ciyaarahaan iyo Sweden. Ciyaartaan ayaa qeybta hore waxa ay kusoo dhamaatay bar baro 0-0.

Balse markii la isku soo laabtay qeybta dambe ee ciyaarta ayaa waxa ay heleen gool xulka Sweden daqiiqadu markay ahayd 52, waxaana udhaliyay ciyaaryahaanka lagu magacaabo Z. Ibrahimovic. Xulka Ukraine ayaa waxa ay iskudayeen dadaalo farabadan sidii ay u bareejayn lahaayeen.

Waxa ay heleen xulka Ukraine goolka barbaraha daqiiqadu markay ahayd 55 waxaana u dhaliyay ciyaaryahaanka lagu magacaabo Andriy Shevchenko. Labada xul waxa ay lasoo baxeen dardar xoog leh sidii ay u heli lahaayeen goolka guusha. Andriy Shevchenko ayaa mar kale waxa uu helay fursad kale, waxa uuna udhaliyay Xulkiisa goolkii guusha daqiiqadu markay ahayd 61, waxa ayna guushu raacday xulka Ukraine oo kamid ah dalalka marti gelinaya koobka Euro 2012.

Hadaba waxaa xalay soo gabagaboobay is araga koowaad ciyaaraha Euro 2012.

Waxaa caawa bilaabanaya is araga labaad. waxaa wada ciyaari doona xulalka kala ah Greece Vs Czech Republic iyo Poland Vs Russia oo kuwada jira group A.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *