Realaudio live encoder

Assalamu calaykum wr wb walaal halkaan waxaan ka qaadaneynaa sida aan ugu badali
laheyn Raelaudio si aan meel u dhigano muxaadaraadkeena maxaa yeelay realaudio
waa uu yareynayaa file ka

Walaal marka hore waxaan u baahan nahay program la yiraahdo RealAudio Live
Encoder halkaan ka soo
qaado insha ALLAAH

Walaal markaad soo download gareyso ku install garee intaas ka dib wuxuu Icon
kuu dhigayaa Desktop

Douple click ku samee markuu kuu furmo sidaan hoose oo kale ayaad arkeysaa

Waxaan wax ka badaleynaa setting insha ALLAAH waxaad sameysaa masawirka eeg

Meesha Compression waxaad ka dhigtaa RealAudio 5.0
ilaa 6.5 kbps oo cod ah Meesha Title ah waxaad ku
qortaa mowduuca muxaadarada
Meesha Author sheekha magaciisa
Meesha Copyright
waqtiga la badalay.


Intaas ka dib waan ku save gareynaynaa waxaad tagtaa Options
ka dooro Save Default Settings

fadlan la soco: markaad ku save gareyso dhamaan muxaadaraadka oo dhan wuxuu
ka dhigayaa sheekha magaciisa ee aad ku qortay Author
iyo Muxaadarada magaceed ee aad ku qortay Title
ayuu ka dhigayaa dhamaan waa inaad badashaa hadhow mar waliba


Intaas ka dib iska xedh program ka

hada waxaad aadaa meesha ay kuu yaalaan muxaadaraadkaagu waa inay wav
yihiin la soco wixii aad badali laheyd

marka aad aado muxaadaradaa meesha ay yaalaan windows explorer ka iska yaree
si aad u aragto desktop iyo icon ka realaudio live encoder

waxad sameysaa ku drag garee inta aad mouse ka dusha ka saarto muxaadarada
qabo mouse ka hasii deyn adigoo haya soo jiid oo ku dhex rid ama ku dhex dey
icon ka desktop saaran ee ah realaudio live encoder eeg masawirka


intaas ka dib waxaad arkeysaa inuu shaqo wado haddii uu qaban waayo howsha
sida masawirka hoose fadlan la soo xidhiidh [email protected]


Markaad dhameyso fileka wuxuu kuu dhigahayaa meeshii uu yaalay kii aad badashay
tusaale ahaan waxaad badashay muxaadaro kuu tiilay C:\My Documents isla meesha
ayuu dhigayaa iyadoo RealAudio ah isla markaana yaraaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *